32.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Mooshin ka dhan ah SAACID oo gebo gebo ah iyo kooxo isu-baheystay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, ayaa waxaa ka socda diyaarinta mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, Caasimada Online ayaa sidaas ogaatay.

Sida xildhibaano doonaya in magacooda aan la shaacin ay u sheegeen Caasimada Online, waxaa la diyaariyey xildhibaano ku dhow 100 oo saxiixay mooshinka ka dhanka ah Saacid, oo ay gadaal ka riixayaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisa Damul Jadiid iyo dhinacyo kale.

Hoteelada magaalada Muqdisho, ayaa waxaa xalay ka dhacay kullamo xasaasi ah, oo la doonayo in tirada lagu gaarsiiyo 139 xildhibaan, oo ah tirada loo baahan yahay si mooshinka u hir-galo.

Waxaa jira warar sheegaya in la doonayo in laga faa’ideysto maqanaanshaha guddoomiyaha baarlamanka Jawaari ee dalka oo ku sugan dalka Kuwait, sababo la xiriira in Jawaari uu ka caga jiidayo mooshinka.

Xildhibaanada Soomaalida, oo dad badan ay rumeysnaayeen inay noqon doonaan kuwa wax badan ka beddelan kuwii hore, ayaa raacay jidkii cod iibsashada, ayada oo lacago badan lagu kala gadanayo codadkooda.

Dhibka ugu weyn ee heysta ra’iisul wasaare Saacid, ayaa lagu sheegay ayada oo ay isku baheysteen dhinacyo badan, oo leh dano kaala duwan oo doonaya inuu xilka ka tago.

Ka sokow madaxweyne Xasan Sheekh iyo Damu Jadiid, mooshinka ka dhanka ah Saacid ayaa waxaa qeyb ka ah, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Puntland, Jubba iyo kooxo kale.

Shariif Xasan ayaa bixitaanka Saacid u arka fursad kale oo uu dib ugu soo laaban karo saaxada siyaasadeed, oo uu muddo ka maqnaa, halka Puntland ay bixitaanka Saacid uga muuqato fursad jagada uu ku heli karo qof kasoo jeeda deegaankaas, ayada oo Jubba ay Saacid ku nacday doodii Jubaland.

Ra’iisul wasaaraha Somalia, ayaa heysta weli taageerayaasha qaar ka mid ah xildhibaano yar oo weli ay ku dambeyso Soomaalinimo, balse lama oga haddii uu heli karo codad ku filan si xilka uu usii hayo.

Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in laga yaabo in Saacid uu isku casilo 48 saac gudahood, oo aysan arrintu gaari doonin baarlamanka.

Warkan ayaa waxaa si kooban usoo dhigay Facebook nin la taliye u ah Saacid oo la yiraahdo Cali Yare, kaasi oo durbadiiba ka saaray, balse xantan ayaa sido kale ka socota magaalada Muqdisho.

Wixii soo kordha waan idinla socodsiin doonaa Insha Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News