26.9 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Dhageyso: Puntland “DF Somalia lama aamini karo” (Sababtu maxay tahay?)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada online) Waxaa wali taagan muran ku aadan qaabka loo mareynayo dhaqaalaha Soomaaliya ay ka heshay beesha caalamka , kadib shirkii 16-kii Bishan ka dhacay magaalada Brussels ee dalkaas Belgium-ka.

Dowladu waxay sheegtay in guud ahaan bulshada Soomaaliyeed uu ka dhexeeyo dhaqaalada dowlada Soomaaliya loogu yaboohay waxna looga qabanayo dhamaan adeegyada muhiimka ah ee loo baahan yahay , oona maareynayo qaab wanaagsan .

Inkastoo balan waadka dowlada ee dhaqaalaha Brussels uu sidaas yahay hadana waxaa jira Dhaliilo ay muujinayan Maamulada qaar oo ku aadan shirkaas iyo balan qaadka beesha caalamka .

Axmed Sheekh Jaamac wasiirka Warfaafinta Puntland wuxuu sheegay in dhaqaalahas qeyb ka mid ah ay waajib tahay inay iyadu maamusho , maadaama sida uu sheegay dowlada Soomaaliya aan lagu aamini karin .

Dowlada uu hogaamiyo Xasan Sheekh ayuu sheegay in lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin Musuq maasuq , Sidaasi darteedna dhaqaalahaas  ay Puntland u heleyso si ka madax banaan dowlada Soomaaliya .

Wuxuu sheegay inaan loo soo marsiin karin dowlada Soomaaliya dhaqaalaha Shirka Brussels Soomaaliya loogu yaboohay , balse si siman ay u qeybsanayaan sida uu hadalka u dhigay .

Hore ayuu Axmed Madoobe oo ah hogaamiyaha maamulka Jubba wuxuu niyad xumo ka muujiyay shirkii Brussels 16-kii bishan kusoo idlaaday , waxaase uu sheegay in laga maar maan ay tahay in caalamku uu ka dhabeeyo balanqaadka Shirka Brussels.

Halkana hoose ka dhageyos Codka Eedeynta Puntland

Hlakaan ka Dhageyso Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Sheekh Jaamac

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News