Kismaayo oo warar aan fiicneyn ay ka imanayaan & 56 qof oo dhimasho iyo…

Kismaayo (Caasimada Online) – Warar aan fiicneyn ayaa ka imanaya Kismaayo, ayada oo dhakhaatiirta Isbitaalka guud ee Kismaayo ay sheegeen in dhaawacyo la keenay Isbitaalka kuwaaso wax ku noqday qarixii ismiidaaminta ee shaley lagu weeraray baabuurtii uu la socday hoggaamiyaha kumeel gaarka ee Jubba.

Dhakhtar Cabdisamad Abuukar oo ah agaasimaha Isbitaalka guud ee Kismaayo ayaa saxaafadda u sheegay saakay oo Jimco ah, in la keenay isbitaalka dad kor u dhaafaya 40- oo u badan shacab ah, iyo 16-qof oo meyd ah, kuwaasoo iyana ah shacab.

Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah dadkii dhaawaca ay geeriyoodeen maadama xaaladooda ay aad halis u ahayd.

Dhakhtarka ayaa sidoo kale tilmaamay in qaar ka mid ah kuwa hadda ku jira Isbitaalka, ay u baahan yihiin daween meelo kale sida dibedda, maadama dhaawacyo halis ah ay ku yaalaan.

Si kastaba, waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxii shaley, waxaana jirta in xaley qaar ka mid ah dadkii wax ku noqday loo qaaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xaaladda magaalada ayaa saakay oo Jimco ah deggan, waxaana dadka ay hadal hayaan qarixii shaley magaalada gilgalay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo