Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in nin ajnabi ah oo laga shakiyey oo sabtidii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho uu dhashay dalka Britain.
Dhinaca kale, Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa shaaca ka qaaday in ninkan uu gudaha Soomaaliya ka shaqeyenayey muddo.
Oomaar waxa uu sheegay in ninkan uu markii la qabanayey raaci alaha diyaaradda Ethiopian Airlines.
Wasiirka ayaa sheegay in boorso uu ninkan saaran lahaa xamuulka diyaaradda (Cargo) uu ku ritay gasacad ay ku jireen walxo looga shakiyey inay yihiin kuwa qarxa, balse markii dambe aan noqon.
Waxa uu sheegay in markii la weydiiyey uu shaaca ka qaaday inuu markii uu Soomaaliya imanayey uu watay, islamarkaana uu doonayey inuu dib ugula laabto dalkiisa.
Oomaar ayaa dhinaca kale sheegay in ammaanka garoonka uusan marnaba halis galin islamarkaana ninkan lagu qabtay bartii ugu horreysay ee baaritaan, ayada oo baaritaano kale ay u dhinnaayeen.
Hoos ka dhageyso wareysiga wasiirka
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com Â