Dhallinyaro careysan oo Muqdisho ka dhigay dibad-bax ka dhan ah hay’ada NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqolaal dhalinyaro ah oo maanta isugu soo baxay taalada Dajirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho ayaa dhigay dibad-bax ballaaran ay uga cabanayeen sarkaal ka tirsan hay’adda nabad-sugida Soomaaliya ee NISA.

Qaar ka mid ah dhalinyarada oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in la musuq-maasuqay shaqo ay u doonteen hay’addaasi, islamarkaana laga qaaday lacago sharci darro ah oo ay ku sheegeen diiwaan-gelin.

Sidoo kal dhalinyarada ayaa xusay in looga yeeray xarunta taliska, islamarkaana marka ay tageen laga xushay 20-tan qof oo kaliya, inta kalena la soo eryey.

Dhalinyarada warbaahinta la hadashay ayaa sidoo kale xusay in qaarkood jir-dil loo geystay, islamarkaana ay soo gaareen dhaawacyo, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa kale oo ay intaasi ku dareen in muddo dheer la meer-meerinayey, islamarkaana laga qaaday sawirro iyo dukumintiyo kale.

Ugu dambeyn waxa ay ugu baaqeen madaxda sare ee dowladda Soomaaliya inay soo fara-geliso arrintooda, si wax looga qabto cadaalad darrada ay ka tirsanayaan NISA.