Dhallinyaro ka tagtay Xamar oo Galgaduud loogu dilay aano qabiil – Yaa ka dambeeya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helaya dil labo qof oo dhallinyaro shacab ahaa loogu geystay deegaanka Balli-howd oo hoostaga degmada Ballanballe ee gobolka Galgaduud.

Sida ay dad deegaanka u sheegen Caasimada Online, labada qof ayaa ahaa dhalinyaro saarna gaari kasoo baxay magaalada Muqdisho oo kusii jeeday degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Dhalinyartaan ayaa waxay maleeshiyaad hubeysan kala dageen gaarigii ay saarnayeen, iyaga oo marka ay dileen kadib goobta iskaga baxsaday, sida ay sheegen dadka deegaanka.

Waxaa lagu soo waramayaa in dilkaan uu salka ku hayo Aanooyin qabiil oo xiisadiisu muddooyinkii dambe ka taagan tahay deegaanadaas, waxaana gaystay kasoo jeeda beel ay horey dad isaga dileen beesha wiilasha dhallinyarada ah.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa bilihii tegay aad u soo badanayey dilalka ku dhisan Aargoosiga beelaha, waxaana laga cabsi qabaa in dilka uu horseedo dilal kale oo aargoosi.

Sidoo kale waxa uu dilkaan kusoo aadaya xilli saacadihii la soo dhaafay dagaal beeleed khasaaro geystay uu ka dhacay degaanka Mira-cawleed oo ka tirsan degmada Galinsoor ee isla gobolkaas.