Qarax is-miidaamin ah oo lala damacsanaa tacsida ‘Libaaxa Muqdisho’ oo la fashiliyey

Kampala (Caasimada Online) – Uganda ayaa maanta sheegtay inay fashilisay qarax is-miidaamin ah oo ka dhan ahaa tacsida taliyihii hoggaamiyey weerar culus oo ka dhan ahaa kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. 

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay Khamiistii xireen nin ku sugnaa magaalada waqooyi ee Pader, maalin kahor tacsida Jeneral Paul Lokech oo lagu naaneysi jiray “Libaaxa Muqdisho.”

“Tuhmanaha wuxuu watay aaladaha laga sameeyo bambooyinka,” waxaa sidaas tiri Flavia Byekwaso oo ah afhayeen u hadashay ciidamada Uganda oo bayaan soo saartay, ayada oo ninka magaciisa ku sheegay Katumba Abdul, oo sidoo kale loo yaqaan Ben. 

Qalabka lagu qabtay waxaa ka mid ahaa bamooyinka guryaha lagu sameeyo, jaakadaha is-miidaaminta, kiimikada ammonium sulphate, saacado iyo taleefon gacmeedyo loo adeegsan lahaa in bamka lagu qarxiyo. 

“Baaritaanada waxay illaa hadda tilmaamayaan in tuhmanaha uu damacsanaa inuu arbusho tacsida Jeneral Paul Lokech,” ayey tiri Byekwaso.

Lokech, oo Sabtidii gurigiisa ugu dhintay dhiigga oo xinjiroobay, ayaa laba goor noqday taliyaha ciidamada AMISOM ee Soomaaliya, ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab. 

Waxa uu hoggaamiyey cutubyo ka tirsan ciidamada AMISOM oo Al-Shabaab ka saaray Muqdisho 2011-kii, taasi oo uu ku muteystay naaneysta “Libaaxa Muqdisho.”

Geerida Lokech ayaa waxaa ka tacsiyeeyey hoggaamiyayaasha Soomaaliya iyo beesha caalamka, waxaana AMISOM ay ku qeexday “halyey” lagu xusuusan doono dagaalka ka dhanka ah mintidiinta. 

“Waxaan dhammaanteen ku xasuusan doonaa inuu ahaa nin dabeecad wanaagsan, geesi ah, oo edeb iyo sharaf lahaa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay AMISOM.

Ciidamada Uganada ayaa 2018-kii sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ku rasaaseeyeen kolonyo uu la socday Lokech, isaga oo markaas ahaa taliyaha ciidamada Uganda ee AMISOM, inkasta oo waxyeelo aysan ka dhalan weerarka.