Maamulka gobolka Gedo oo ku dhowaaqay in Jubaland ay dhacday, oo ay dhisayaan maamul cusub

Garbahaarey (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ee hoostaga dowladda federaalka Axmed Buulle Gareed oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garbahaarey ayaa sheegay in qof ka socda maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo uusan imaan karin Garbahaarey iyo guud ahaan gobolka Gedo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in waqtigii maamulka Axmed Madoobe ee labada sano ahaa uu dhamaaday, islamarkaana ay reer Gedo doonayaan in maamul la wada leeyahay loo dhiso Jubbaland.

Sidoo kale waxa uu ku goodiyey in maamul uu soo magacaabay Axmed Madoobe uusan imaan karin gobolka Gedo.

“Waxaan halkaan ka cadeynayaa in cid ka socota Kismaayo oo ka tirsan maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe hoggaamiyo aysan imaan karin Garbahaarey, talada, howsha halkaan ka socota ee doorashada iyo ambigeedaba anagaa masuul ka ah,” ayuu yiri guddoomiyaha Garbahaarey ee taabacsan dowadda federaalka.

Dadka is-bedel doonka ah ee reer Jubbaland ayuu ugu baaqay inay isugu yimaadaan Garbahaarey oo sida uu sheegay ay gogoshoodu ka fidsan tahay, isagoo sheegay inay hadda dad badan ku soo biireen gogoshaas.

“Waxaan fariin u dirayaa Ra’iisul wasaare Rooble, waxaan kaa codsaneynaa Ra’iisul wasaare in Axmed Madoobe aadan kala hadlin masiirka Jubbaland, markii laga reebo laba degmo oo Axmed Madoobe maamulo, inta kale anigaa madaxweyne ka ah, waxaan kaa codsaneynaa in deegaan kasta cidda heysata aad kala macaamisho,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiyaha Garbahaarey.

Sidoo kale waxa uu sheegay in labadii sano ee Axmed Madoobe la aqoonsaday ay dhamaatay oo bishaan Agoosto ay ku ekeed, sidaas darteedna ay doonayaan in degmooyinka ay ka taliyaan aan Axmed Madoobe lagala xaajoon.

Hoos ka daawo