Dhamme oo maalinti 72-aad xabsiga laga sii daayey

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee Muuse Biixi ayaa maanta xabsiga ka sii deysay Guddoomiyaha dhalinyarada ee xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq Dhame, kadib muddo 71-maalmood ah oo uu ku xirnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa

Guddoomiye Dhamme ayey Ciidamada Booliska Somaliland kasoo qabteen gurigiisa magaalada Hargeysa waqti duhurnimo ah, kadib markii uu bartiisa Facebook uu soo dhigay qoraal uu ku sheegay inuu kaga soo horjeedo xaaladii deg-dega ahayd ee Madaxweyne Biixi uu ku soo rogay saddex degmo oo ka mid ah Gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha oo sii deyntiisa kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in si sharciga waafaqsaneyn loo soo xirey, isla markaana ay Boolisku ay ku kaceen wax aan u wanaagsaneyn sumcada iyo sharafta Somaliland.

Dhamme ayaa si weyn ugu mahad-naqay dhamaan cid kasta oo ka qeyb qaadatay sii deyntiisa, isagoona ka dhawaajiyey in sii deyntiisu ay daba socotay dadaalo badan oo ay sameeyen Mas’uuliyiinta xisbiga uu ka tirsanyahay ee Waddani.

Maxamed Sadiiq Dhame, ayaa sidoo kale xusey inay xukuumadu dul qaad u yeelato dadweynaha dhaliilaha u soo jeediya oo aysan u adeegsan awood dowladeed.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com