Dhamme oo soo jeediyey xil ka qaadista Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta si adag u dhaliilay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana ku cambaareeyay xariga ay xukuumadu kula kacdo warbaahinta.

Waddani ayaa Madaxweyne Biixi ku tilmaamay mid ku fashilmay hogaamintii Somaliland, isagoona hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay talo qaran oo xilka lagaga tuuro Madaxweyne Muuse Biixi.

Maxamed Sidiiq Dhamme, Guddoomiyaha garabka dhallinyarada ee xisbiga Waddani oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu yiri “Waxaanu dareemaynaa in Xisbiga Kulmiye uu ku fashilmay Hoggaaminta dalka oo aanu sii wadi karin”.

“Madaxweynaha laftiisana waxaan ugu baaqeyna maaddaama oo uu dalka u wadi karin sidii Dastuurku ogolaa ee Dawladnimadan loo dhisay inuu hoggaaminta ku wareejiyo Golaha Guurtida, ummadduna isugu timaaddo talo Qaran oo Dadka reer Somaliland ay aayahooda ka tashadaan, oo la helo nidaam Somaliland u caddaalad sameeya, u xorriyad sameeya, una xaq sameeya”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu runtii ka xunahay oo aan u aragnaa cabudhin, cadaadis iyo in xoriyatul qowlka lagu tumanayo, saxaafada Somaliland xadhiga iyo xayiraadaha lagula kaco”.

“Waxaana lagu qasbayaa in dalkooda ka yaacan nimanka dhalinyarada ah ee wariyayaasha u badan ee dalkooda ka shaqeysanaya. Wasaarada warfaafintu laftigeeduna, niyad jabkaa iyo maamul xumadaa, iyo weliba hogaamin daradaasi qeyb bey ka tahay”. 

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com