Xog: DF oo dooneysay inay lacageyso xildhibaannada Ahlu-Sunna, cabsi darteed

Dhuusamareeb-(Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qarka u saaran in ay ka laabato heshiiskii ay 30-ka Xildhibaan ugu balan qaaday kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca kadib walaac soo food saaray.

Caasimada Online ayaa heshay xog sheegaysa in xukuumadda federaalka ay baqdin ka qabto saameynta 30-ka xildhibaan ee loo balan qaaday Ahlu-Sunna, waxayna baqdinta ugu badan ka jirtaa halka ay codkooda ku biiri doonaan, maadaama ay loolan adag wajaheyso doorashada Galmudug.

Dowladda Federaalka ayaa doonaysa in ay Ahlu-Sunna lacag ugu badasho 30-kii xildhibaan oo ay horay ugu balan qaaday, islamarkaana dowladda ay kala wareegto soo xulista xildhibaannadaas una dhiibto odayaal ayada taageersan.

Ahlu-Sunna ayaa markii hore dalbatay in la siiyo 35 xildhibaan, waxaana dalabkooda si weyn uga soo horjeestay Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyadoo markii bambe uu madaxweyne Farmaajo arrinta soo fara galiyay Kheyre-na faray in Ahlu-Sunna la siiyo 30 xildhibaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa fuliyay amarka madaxweyne Farmaajo, isga oo xiligaas ku sugnaa Dhuusamareeb, balse hadda ayaa waxaa la sheegay in arrintu ay la xumaatay oo uu is badalay.

Hoggaanka Ahlu-Sunna oo dhankooda doonaya in saameyn siyaasadeed ay ku yeeshaan maamulka laga dhisayo Galmudug ayaa wali arinkaan la hor dhigin.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xoogga saaraya sidii musharaxa uu wato uu ugu soo bixi lahaa doorashada Galmudug, waxuuna loolan xoogleh kala kulmayaa xildhibaanada mucaaradka ah iyo xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheikh Maxamuud.

Inta badan xildhibaanada mucaaradka ah iyo xigbiga Xasan Sheekh ayaa taageeraya musharax Cabdiraxmaan Odawaa oo ka shacbiyad badan musharaxa ay wadato xukuumadda Nabad iyo Nolol.

Dowladda ayaa hadda ka cabsi qabta in Ahlu-Sunna ay heshiis la gasho mucaaradka kadibna soo xulaan madaxweyne aan ahayn kan ay wadato kooxda Nabad iyo Nolol.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com