Dhaqaalaha Somaliland oo hoos u dhacay 9% iyo baaq ay u dirtay beesha caalamka

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in dhaqaalaheedu uu hoos u dhacay saddexdii bilood ee u dambeeyay, gaar ahaan bilhii January ilaa March, iyada oo hoos u dhacay qiyaastii 9%.

Somaliland ayaa dhaqaale bur-burkaaasi ku tilmaamtay mid uu dhaliyay xanuunka Coronavirus, kaasi oo saameyntiisa dhaqaale aad looga dareemay bilihii u dambeeyay dalalka caalamka, maadama uu hakiyay isku socodkii.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xukuumada Somaliland, gaar ahan Wasaaradeeda maaliyada ayaa bishan u dirtay waraaq beesha caalamka, iyadoona ku sheegtay in dhaqaalaheedu uu hoos u dhac ku yimid, isla markaana ay u baahan-tahay taageero caalami ah, iyadoona xustay inaysan helin taageero ay sheegtay in lagu kabo miisaaniyada dalalka soo koraya.

Sidoo kale waxa ay waraaqdaasi ku sheegtay xukuumadu inay filaneyso dhaqaale burbur inta ka badan bilaha soo socda, kaasi oo ay ku qiyaastay 30%, maadama uu weli si xawli ah usii fidiyo xanuunka safmarka ah ee Coronavirus ama Covid-19.

“Saddexddii bilood ee u horeeyay ee sanadka (January –March), dakhiliga ka soo xarooda kastamadu wuxuu hoos u dhacay 9%. Waxaanu rumaysanahay in dhibaatadu ugu badani dhici doonto qaybta labaad ee sannadka (April ilaa June), waxaanu qiyaasaynaa hoos u dhac ah 30% dakhiliga” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaarada maaliyada ee ay u dirtay beesha caalamka.

Xukuumada Somaliland ayaa ka dalbatay beesha caalamka lacag dhan Boqol iyo toban, sideed boqol iyo shan kun oo dollar ($110,805,000), midaasi oo ay ku sheegtay inay wax uga qabaneyso dhaqaalo bur-burka Somaliland kasoo gaaray xanuunka Coronavirus.

Somaliland ayaa inta badan lacag malaayiin dollar ah ka sameyn jirtay canshuuraha, maadama aysan jirin wax soo saar buuran oo gudaha deegaanadeeda, midaasi oo dhalisay bur-burka dhaqaale ee qeylo dhaanta uga dirsatay beesha caalamka.