Dhaqaale la’aanta haysatay PUNTLAND oo meel xun mareysa iyo ciidamo shalay ku dhaqaaqay..!

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamo ku xereysan xerada 54aad ee magaalo madaxda dowlada Puntland  ee Garowe ayaa gadoodey kadib markii ay cirka isku isku shareertay cabasho ay ka muujinayeen mushaharaad la’aan kor u dhaafeysa mudo 8 bilood ah.

Gadoodkaan ayaa yimid kadib markii uu burburey kulan sh dhexmarey saraakiisha xerada 54aad iyo maamulka lacagta ciidamada Puntland kuwasoo sheegey ineysan gacan ku hayn mushaharaadkii ay ka dalbanyeen xukuumada.

Wararka ka imaanaya xeradaan ayaa sheegaya in ciidamada rasaasta ka dhacda qoryaha waaweyn fureen taasoo laga maqalayey magaalada, halka wararka kale ay xusayaan in albaabka weyn ee xerada soo xirteen.

Xerada 54 aad oo ku taal duleedka magaalada Garowe ayaa waxaa ku xereysan ciidamo kala duwan ee lagu soo tababarey dalka Ethiopia.

Gadoodkaan ayaa imaanaya maalmo kadib markii ciidamo ka tirsan Birmadka ka howlgala magaalada Boosaaso kuwasoo dhidibada loo aasey inta uu xilka madaxweyne Cabdiweli Gaas qabtey goosteen bar kontrool oo ku taal magaalada Bosaso.

Wasiirka warfaafinta Puntland oo saxaafadu wax ka waydeysey gadoodkaan ayaa beeniyey isaga oo sheegey ineysan jirin ciidamo mushahar la’aan hayso.

Dhinaca kale gadoodka ciidamadaan ayaa kusoo beegmaya xili madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas daabacey lacag Shilin Somali ah oo sharci daro ah taasoo la sheegey ineysan bixin karin inta badan mushaharka loo baahan yahay.

Xogagaal ka war-haya lacagtaan ayaa Caasimada Online u sheegey in waraaqihii lagu daabaci lahaa lacagtaan noqdeen kuwo gabaabsi kadib markii ganacsatadii maalgalinta laga sugayey ka gaabsadeen iney lacago kale bixiyaan.

Cabdiweli Gaas  ayaa qorsheynaya in ganacsataan oo aad ugu dhow madaxweynaha Puntland la siiyo lacaga adag ee wasaarada maaliyada ka qabato dekada Boosaaso taasoo u sahleysa soo iibsashada qalabka lagu daabacayo lacagahaan.

Puntland ayaa waxaa haysta dhaqaale la’aan aad u xun, ayada oo lacago yar oo ay ka heli jirtay dowladda federaalka ahna, aysan arag muddo dhowr bil ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com