Daawo Sawiro laga soo qaaday XASAN Sheekh oo aad uga careysan wixii ka dhacay KISMAAYO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xassan ayaa iminka dareemay in socdaalkiisii Kismaayo uu ahaa mid isaga loogu dhigaayay dibin daabo Siyaasadeed, waxa uuna ahaa saacadihii ugu danbeeyay mid saaxiib u noqday aamusnaan, Fakir iyo dulqaad la’aan.

Xassan ayaa dhowr jeer inta uu ku sugnaa Kismaayo isku dayay inuu kasoo baxo Caleemasaarka iyo kulamadii uu ka qeybqaatay kadib markii uu la kulmay wajiyo uusan fileynin, sababo la xiriira Siyaasiyiin saaxiibo dhow ah oo u tashtay.

Xubin kamid ah wafdiga Xassan ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Xassan caradii uu kasoo qaaday Kismaayo aan horay loogu arag, waxa uuna sheegay inuu ahaa kaliya mid fakiraaya isaga oo aan helin maqaamkii uu xaqa u lahaa.

Inta ay socdeen kulamada ayuu Xassan ahaa Madaxweyne gooni ugoosat ah, kadib markii Axmed Madoobe iyo C/weli Gaas ay isku mashquulen isaguna uu ahaa mid gooni meel ula fadhiyay caro iyo shalaay.

Sida ka muuqata Sawirada hoos yaalla Madaxweyne Xassan ayaa waxaa wajigiisa ka muuqda carro saa’id ah, mana jirin qosolkii iyo Farxadii faraha badnaa ee Xassan looga bartay xiliyada uu ka qeybqaadan jiray Munaasabadaha.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
1

2

3

7

4

5

6