Dhaxal-sugaha Imaaraadka Bin Zayed oo la sheegay in uu ku dhacay Coronavirus

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka Carabta Mohammed Bin Zayed ayaa lagu warramayaa inuu ku dhacay cudurka Coronavirus, sida uu qoray wargeyska Daily Sabah ee Turkiga, oo soo xiganaya warbaahinta Israel.

Sida uu qoray Daily Sabah, warbaahinta N12 ee Israel ayaa soo tweet gareysay in Bin Zayed uu cudurka ka qaaday qof u dhashay dalka Philippine oo adeege ka ah madaxtooyada Imaaraadka Carabta.

Lama yaqaan sida qofka shaqaalaha uu cudurka ku gaarsiiyey Mohammed Bin Zayed, hase yeeshee maadama cudurka lagu kala qaadi karo xitaa haddii uu qofku taabto meel uu horey u taabtay qof qaba, waxaa suurta-gal ah in sidaas ku gaaray Bin Zayed, haddiiba ay jirto.

Mohamed Bin Zayed ayaa la sheegay in la dhigay isbitalka Cleveland ee Abu Dhabi, halkaasi oo uu ku jiray maalmo, ka hor inta aan laga saarin oo lagu celin madaxtooyada.

Imaaraadka Carabta kama aysan hadlin warka Bin Zayed la xiriirinaya cudurka, wayna adag tahay in la xaqiijiyo.

Ilaa 2530 oo kiis oo cudurka Coronavirus ah ayaa lagu arkay dalalka Bariga Dhexe ee ka baxsan Iran, waxaana badankood lagu warramayaa inuu kaga soo faafay dhanka dalka Iran, oo ah dalka ugu darran ee cudurka uu ka jiro marka laga yimaado China.

Iran ayaa waxa uu cudurka ku haleeyey ku dhowaad 6 kun, halka ay u dhinteen in ka badan 100.

Inkasta oo dad badna cudurkan ay u dhinteen haddana waxaa jira dad badan oo ka kacay, gaar ahaan kuwa virus-ka ku dhacay uusan darneyn.