Xasan Sheekh oo shaaciyey sababta Madasha Xisbiyada ugu midoobayaan hal xisbi

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ahna guddoomiyaha xisbiga UDP, ayaa ka hadlay ujeeddada ka dambeysa in Madasha Xisbiyada Qaran ay ku midoobayaan hal xisbi siyaasadeed.

“Madashu iyadoo ka ambaqaadaysa marxaladda uu dalku marayo iyo muhiimadda ay leedahay midnimadu, xisbiyada ay ka koobantahay madashu waxay isku raaceen in ay ku midoobaan hal xisbi siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen Madasha.

Xasan Sheekh oo arrintaas ka hadlaya ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Mideynta xooggaga horusocodka ah ee siyaasadda Soomaaliya waxay lagama maarmaan u tahay xasiloonida iyo barwaaqada Soomaaliya.”

“Go’aanka Madasha Xisbiyada Qaran ay ku midoobayaan hal xisbi siyaasadeed waxay taaraiikh cusub u tahay Soomaaliya, waxayna anfaceysa jiilka hadda jira iyo kan mustaqbalka.”

Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale u digay dhinacyada shisheeye ee xiiseeya siyaasadda Soomaaliya.

“Kuwa juqraafi siyaasadeed ahaan xiiseeya Soomaaliya, waa inaysan dhaawicin quluubta shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana aysan beerin wax mustaqbalka hurin kara dagaal aysan cidna dan ugu jirin. Waa inay damqin dhaawacyada boogihii hore,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Go’aankan ay Madasha Xisbiyada ku noqonayaan hal xisbi ayaa yimid kadib markii shir socday shan maalmood ay ku yeesheen magaalada Ankara ee dalka Turkiga.