Kadib Macallin Maxamuud, madaxdii kale ee Ahlu-Sunna oo faarujiyey Dhuusomareeb

Garoowe (Caasimada Online) – Kadib markii uu horey magaalada Garoowe u gaaray hogaamiyaha Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud ayaa waxaa lagu soo warramayaa in sidoo kale ay maanta halkaas gaareen madaxdii kale ee kooxdaas.

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Maxamed Shaakir, iyo Cabdisamad Macallin Maxamuud oo uu dhalay hoggaamiyaha Ahu-Sunna, ay maanta tageen Garoowe.

Safarka ayaa waxaa ku wehliya xildhibaano ka tirsan baarlamanka Galmudug, oo ka mid ah 20-kii xildhibaan ee kooxdaas ay horey ugu darsatay baarlamanka.

Sida aan xogta ku helnay, wafdiga oo ka yimid magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay ku soo hoyday magaalada Gaalkacyo, halkaas oo ay saaka safar dhulka ah kaga kallaxeen kuna gaareen Garoowe, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Hoggaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna Macallin Maxamuud Sheekh Xassan, oo maalmahan ku sugnaa Garoowe, ayaa la hadal hayey inuu ku wajahnaa magaalada Jeddah.

Si kastaba, Sacuudi Carabiya oo hadda soo rogtay xayiraado la xiriira dadka ajnabiga ah ee imanaya dalkaas, sababo la xiriira cudurka Coronavirus ayey suurtagal ay tahay inay baajisay socdaalkii Macallin Maxamuud.

Hoggaanka ururka Ahlu-Sunna oo in ka badan 12 sannadood ka talinayey gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowaan isu dhiibay dowladda federaalka Soomaaliya kadib markii looga adkaaday dagaal halkaas ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada dowladda.