Warbaahinta dalka Kenya oo C/rashiid Janan ugu yeertay xil uusan ka heyn Jubaland

Beledxaawo (Caasimadda Online) – Warbaahinta wadanka Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay aad diirada u saareysa xiisada ka aloolsan xadka uu dalkooda la leeyahay Soomaaliya.

Xaaladda ayaa meel xun gaartay markii ciidamo kala taabacsan Jubaland iyo dowlada Soomaaliya ay ku dagaalameen magaalada Beledxaawo, inkastoo uu kusii fiday degmada Mandhera, oo ay ciidamada Jubaland u baxsadeen.

Wargeyska The Star ayaa warbixin uu qoray wuxuu Janan ku tilmaamay xil ka duwan midka uu hayo.

Janan rasmi ahaan waa wasiirka amniga Jubaland, balse jaraa’idka wuxuu ku sifeeyay wasiirka difaaca maamulkaas.

Wasiir Janan oo baxsad ka ah gacanta dowladda Soomaaliya ayaa la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay magaalada Mandhera, inkastoo warar is-khilaafsan ay kasoo baxayaan goobta uu kaga sugan yahay hotel, guri kirro ah ama saldhig ciidan.

Kenya ayaa u diyaar garowday in ciidankeeda ay dagaalka ka caawiyaan kuwa Jubaland islamarkaana Wasiir Janan loo qabto degmada Beladxaawo oo ku taala xaduuda labada dal, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in hadalkii madaxweynaha Kenya ee ahaa in Soomaaliya ay ku soo xadgudubtay xaduudda Kenya uu ahaa mid lagu baneysanayo howlgal ay ka qeyb qaataan ciidanka Kenya, si Wasiir Janan gudaha dalkiisa loogu sameeyo degaan laguna ilaaliyo, taas oo meesha ka saari karta qeyla dhaanta Xildhibaanada Kenya.

Labadii bishaan ayaa dagaal culus waxa uu ka dhacay Beladxaawo waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, ayada oo markii dambe lagu jebiyey ciidanka Cabdirashiid Janan oo u cararay dhanka Mandhera.