Farmaajo iyo Uhuru oo ka wada-hadlay xiisadda culus ee ka dhex oogan labada dal

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka kuwa wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

Farmaajo iyo Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.

Wadahadalkana ayaa ku soo aadaya xilli shalay dowladda Kenya ay eedeyn u jeedisay Soomaaliya iyada oo ku eedeysay in ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan qeybo ka mid ah gobalka Gedo ay ku soo xadgudbeen jiritaanka xukuumadda Kenyatta.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu yiri:

Warsaxaafadeed ku saabsan wadahadalka madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Kenyatta

Muqdisho, 5-ta Maarso, 2020: Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta oo khadka telefoonka ku wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa adkeeyay in amniga labada dal uu yahay mid isku xiran, loona baahan yahay in laga fogaado wax walba oo keeni kara isfaham darro.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.

DHAMMAAD