Kenya iyo C/rashiid Janan oo weerar kusoo ah Belad Xaawo kadib hadalkii Uhuru

Mandhera (Caasimada Online) – Dowladda Kenya, oo cadaadis xoog leh kala kulmeysa Soomaalida degta gobalka Waqooyi bari ee dalkaasi, gaar ahaan siyaasiinta Mandheere ayaa bilaawday qorshe ay dalkeeda uga saareyso Wasiir Janan.

Kenya ayaa u diyaar garowday in ciidankeeda ay dagaalka ka caawiyaan kuwa Jubaland islamarkaana Wasiir Janan loo qabto degmada Beladxaawo oo ku taala xaduuda labada dal, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in hadalkii madaxweynaha Kenya ee ahaa in Soomaaliya ay ku soo xadgudubtay xaduudda Kenya uu ahaa mid lagu baneysanayo howlgal ay ka qeyb qaataan ciidanka Kenya, si Wasiir Janan gudaha dalkiisa loogu sameeyo degaan laguna ilaaliyo, taas oo meesha ka saari karta qeyla dhaanta Xildhibaanada Kenya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Uhuru ayaa lagu yiri “Golaha Amniga Qaranka waxa uu walaac ka muujinayaa xadgudubka ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ku sameeyeen madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Kenya 2-dii March 2020, halkaasi oo ciidamada ajnabiga ah ayaga oo jebinaya, islmarkaana aan wax ixtiraam ah u hayn xeerarka caalamiga ay dhaq-dhaqaaqyo gardarro ah fuliyeen, ayaga oo dhibaya islamarkaana burburinaya hantiada shacabka Kenya ee ku nool magaalo xuduudeedka Mandhera.”

Shacabka ku nool Beladxaawo iyo Ceelwaaq ayaa cabsi ka qaba in labadaas magaalo midood ay marti geliso dagaal kale oo ka dhaca gobalka Gedo.

Labadii bishaan ayaa dagaal culus waxa uu ka dhacay Beladxaawo waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, ayada oo markii dambe lagu jebiyey ciidanka Cabdirashiid Janan oo u cararay dhanka Mandhera.