Muqdisho (Caasimada Online) – Warar goor dhaw aan ka helnay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka mid ah hoggaanka sare ee golaha wasiirada iyo golaha shacabka ayaa u sheegay Caasimada Online, in heshiiskii RW CCC iyo Hogaamiyaha Puntland Cabdiwali Gaas aay ku saxiixeen magaalada Garoowe maalintii Axada bisha April aay ahayd 3, 2016 uu dhaqan geli doono oo kaliya marka aay ansixiyaan baarlamaanka JFS.
Waxaa sidoo kale heshiiska ka shakisan RW CCC iyo Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, sida aa sheegeen qaar ka mid ah howl wadeenada labada xafiis.
Heshiiskan oo aay ku jiraan qodoba badan oo qatar ku ah jiritaanka iyo madaxbanaanida JFS ayaa waxaa sidoo kale ka biyo diiday baarlabaanka Puntland.
[su_audio url=”http://somaliwayn.org/wp-content/uploads/2016/04/Baarlamaanka_puntland_diiday_45.mp3?_=1″]
[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2016/04/agreement.pdf” width=”1180″ height=”1600″]
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]