26 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

RW CC oo Xassan Sheekh ku raacay shakiga ka taagan Qodobada qaar (Maxaa u sabab ah)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar Cali Sharmaarke oo juhdi dheer kadib ku guuleystay dadaalkii uu isugu soo dhaweynaayay DFS iyo Maamulka Puntland ayaa bidhaamiyay inay jiraan qodobo mudan in dib loo daraaseeyo.

Ra’isul wasaare Cumar waxa uu sheegay in qodobada qaar ay yihiin kuwo kulminaayo awoodo kala duwan, waxa uuna tilmaamay in UJeedka uusan aheyn in la caqabadeeyo, balse kaliye ay u baahan yihiin inay daraaseeyaan gudiyo gaar ah oo arrintaasi loo xilsaaro.

Sharmaarke waxa uu tilmaamay in qodobadaasi ay ka fiirsadeen, balse loo baahan yahay inay noqdaan qabyo qoraal, si looga wada tashto haddii ay jiraan waxyaabo soo kordhay.

Sharmaarke waxa uu farta ku goday in isaga iyo xubnaha Beesha Caalamka ay dhan waliba ka fiirsheen qodobadaasi, balse ay muhiim tahay in la raaco haddalka Xassan Sheekh ee ahaa in dib loogu laabankaro qodobada qaar.

Haddalka Ra’isul wasaaraha ayaa imaanaya iyadoo war-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xassan Sheekh lagu sheegay in qodobada qaar ay mugdi ku jiraan, loona baahan yahay in dib loogu laabto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News