27.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

Xog: Boorsaani oo ay soo food saartay xaalad…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan magaalada Muqdisho ay ka dhacday munaasabad lagu muujinaayay in amaanka magaalada Muqdisho si toos ah loo hoosgeeyay maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa hadana soo baxaaya warar sheegaya in maamulka Gobolka uu lasoo darisay dareen amni darro.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf ”Boorsaani”ayaa Jahwareer ka heystaa mas’uuliyada Amniga Gobolka Banaadir ee dusha laga saaray, waxaana lasoo sheegayaa in Boorsaani uu wado qorsho amniga Gobolka loo hoosgeynaayo Hay’adda Nabadsugida Qaranka ee Somalia.

Boorsaani ayaa itaal xumi ka muujiyay amniga Gobolka Banaadir,waxa uuna iminka wadyaa in Ciidamada amaanka Gobolka dib loogu celsho Hay’adda Nabadsigida si isla xisaabtanka uu iyaga un ugu ekaado.

Boorsaani ayaa ku doodaaya in howsha maamulka Gobolka Banaadir ay farabadan tahay islamarkaana aysan u saamaxeynin kaliya in xooga la saaro amaanka, sidaa aawgeed waxa uu rajo ka muujiyay in amaanka Gobolka la hoos-geeyo NISA, oo iyaduba horay Fashil uga qabsaday amaanka.

Ma cadda sida ay Dowladu ku aqbali doonto qorshaha Boorsaani ee ku aadan dib u wareejinta amaanka, waxaana xusid mudan in muddo asbuuc gudihiisa ay magaalada Muqdisho ka dhaceen ku dhawaad 9 dil oo is xigxigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News