Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Ugandha kuwooda ka howlgala Garoonka ayaa qaab ay awood ku jirto Baasaboorka iyo lacag dollar ah uga qaaday Muwaadin Soomaaliyeed balse heysta dhalashada dalka dalka Sweden.
Muwaadinkani laga qaaday Baasaboorka iyo lacagaha dollar-ka ah ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Samantar Cigaal.
Samantar Cigaal, ayaa lagu eedeeyay in magaalada Kampala uu ku joogay sharci darro, waxa ayna Saraakiisha sheegen in mudada fasaxiisa uu ku darsaday muddo dheeri ah.
Saraakiisha ayaa sheegtay in ujeedka Baasaboorka iyo lacagta looga qaaday Samantar Cigaal ay tahay in ruuxaasi uusan baxsan islamarkaana uu ku dhiirado inuu iska bixiyo dhaqaalaha, maadaama uu wakhti dheer si sharci darro ah uu ku joogay Ugandha.
Samantar Cigaal waxa uu sheegay in loo gudbiyey Saldhigga Boliska Dembi-baarista Uganda oo ku yaallaKibulu, halkaasi oo lagala wareegay Baasaboorkiisa, Mobaylkiisa iyo Dukumentiyo uu watay.
Markii ay Boliska sii daayeen ayaa waxaa haddana mar kale qabtay Bolis ka socda Saldhig ku yaalla qeybta Qadiimiga ee magaalladda Kampala, waxayna ku eedeeyeen inuu dalka si sharci-darro ku joogo, waxaana la dhigay Xabsiga oo uu 7 maalmood ku jiray.
Saraakiisha iyo Ciidamada ka howlgashay Garoonka Entebbe Airport, ayaa inta badan lagu eedeeyaa in si maalayacni ah ay ku xiraan dadka Soomaalida ah si ay uga qaatan dhaqaale iyaga oo kusoo ooga danbiyo aysan laheyn.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

