27.3 C
Mogadishu
Wednesday, June 17, 2026

FAROOLE oo soo saaray DIGNIIN ku wajahan…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, C/raxmaan Faroole, ayaa si qoto dheer uga hadlay nidaamka 4.5 oo uu sheegay in Puntland ay raali ka noqotay, waxa uuna tilmaamay in nidaamkaasi uu far ku godan yahay.

Faroole waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan dhaliilsaneyn erayga 4.5, balse uu aad uga soo horjeedo dhibta daahsoon ee ku hoos qarsoon nidaamkaasi.

Waxa uu sheegay inay mudan tahay in Soomaalida ay dib u daraaseeyan dhowrkii sano ee nidaamkaasi lagu maamulaayay dalka Somalia, gaar ahaan beelaha Soomaalida.

Wuxuu sheegay in 4.5 uusan laheyn wax wanaag ah, islamarkaana mirro dhalkiisa uu yahay in Soomaalida ay isku faquuqdo beel-beel iyo wixii kasii liita.

C/raxmaan Faroole isaga oo la hadlaayay warbaahinta ayaa waxa uu ka digay in muran Siyaasadeed uu ka dhasho hanaanka Doorashada dalka ee lagu saleeyay 4.5 iyo is qab qabsi dhexmara beelaha wax ku qeybsan doona hanaankaas.

Faroole oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ayaan darro ku tilmaamay go’aankii uu Madaxweyne Gaas ku ogolaaday heshiiska uu la saxiixday DFS ee la xiriira Nidaamka doorashada dalka isagoo aan wax la tashi ah kala sameynin dadka ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Faroole ma uusan cadeyn in C/wali Gaas ay dib uga wada hadleen aqbalidiisa ku aadan 4.5 iyo in kale, balse waxa uu carab dhabay in ujeedka loo qaatay nidaamkaasi uu yahay in la jaanrogo Siyaasada dalka.

Docda kale, waxa uu Faroole ka digay in dalka uu galo gacan ku fog Urur diimeed, waxa uuna ku baaqay in laga fiirsado wixii u xun Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News