DHEGEYSO: Maamulka Ahlusunna oo baaq u diray Baarlamaanka Somalia

Moqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal, Guddoomiye Ku-xigeenka Ahlusunna Waljamaaca ee Gobollada Koonfureed ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay xal u helaan Khilaafka hareeyey Golaha Shacabka.

Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal oo la hadlay Raadiyaha Shabeelle ee magaalada Mogadishu, ayaa aaminsan in khilaafka labada dhinac u kala jebiyey Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu rajo xumo ku ridayo shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh Isxaaq Xuseen Mursal wuxuu yiri: “Waad ogtihiin dalku badbaado ayuu u baahan yahay, wuxuuna uga baahan yahay Baarlamaanka. Shacbiga Soomaaliyeedna adinka ayey idin eeganayaan.

“Marka khilaafka hadda taagan waa mid nasiib darro ah, shacbiguna dowladda ayuu ka war dhowrayey. Maantana waxay ku habbooneyd in bedelkii la isqab-qabsan lahaa dalka la xoreeyo lana midoobo”.

Halkaan hoose ka dhegeyso baaqa Alhusunna.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com