Maalgashiga tamarta ku shaqaysa cadceeda iyo biyaha oo xal loo helo waa waxa ugu wanaagsan ee Soomaliya ay ku soo kabsan karto

Saalax Saciid SabriyeBy Saalax Saciid Sabriye

Qalinkii : Cabdirisaaq Maxamed

Dabayaaqadii sannadkii 2011kii, waxaan booqday Mogadishu si aan u sameeyo u kuur-gal gacanta koowaad ah oo ku aadan dagaalkii ka dhacay caasimadda Somalia. Balse qiyaas sawireedkeygii iyo wixii aan arkay waqtigaas waa ay kala duwanaayeen, marka laga tago xasilooni darrada iyo dowladnimada.

Maadaama aan ahay Injineer Korontoda ah waxaan la yaabay xiisaha ay qaar ka mid ah ganacsatada iyo Ururada aan dowliga aheyn u qabaan Dabka Laga Liso Qandaca Cad-Ceedda (Solar Power) – wuxuuna ka mid ahaa waxyaabaha ugu waa weyn ee caasimadda looga baahan yahay – maadaama uu yareyn karo qiimaha faraha badan ee ay Guryaha iyo goobaha ganacsi ku bixiyaan Korontada Matoorrada laga dhaliyo.

Figure 1 Fadhiga qalabka tamarka qoraxda ku shaqeeya oo lagu rakibay xaafad ku taalla duleedka Baidoa, Somalia – si maalin walba ay bulshada iyo xoolaha ugu soo saarto cabir biyood dhan 90 cubic meters.

Maadaama aan cilmiga Injineernimada Korontada (Electrical Engineering) kasoo bartay jaamacadda University of Nairobi, waxaan ogaa suuqa uu mashruucaani ka heli karo Somalia. Markii aan joogay Kenya waxaan marqaati ka ahaa qalabka Qandaca Cad-ceedda ku shaqeeya oo laga hirgelinayo dalkaas. Sidaas darteed sannadkii 2012kii waxaan ku laabtay Mogadishu, waxaana sameeyey shirkadda SolarGen Technologies.

Sida marwalba loo saldhigo mashruucyada nuucaan ah, maalmaheennii bilowga waxaan isku daynay wax walba oo karaankeenna ah sidii aan ku heli laheyn macaamiisheennii ugu horreysay, sidoo kale fadhiggeennii ugu horreeyey ayaan caasimadda ka sameynay – tan ugu muhiimsan ayaana aheyd – inaan keenay alaab tayo sarre leh iyo adeeg ku habboon dadka fursaddaan ka faa’iideysanaya.

Ka SolarGen ahaan, waxaan isku aragnay shirkad ay sharaf u tahay inay ka qeyb qaataan dib usoo celinta dhaqaalaha Somalia. Waxaan xasuusannaa in mashruucyadeennii ugu horreysay ay ka mid ahaayeen inaan waddooyinka ku xirnay 79 leyr oo ku shaqeeya kuleylka qoraxda, kuwaas oo ka qeyb qaadanaya ammaanka waddooyinka xilliyada habeenkii ah, sidoo kale wuxuu ka caawinayaa xarumada ganacsi inay sii furnaadaan illaa saqda dhexe habeenkii.

Sidoo kale, waxaan ifinnay suuqyada muhiimka ah ee Mogadishu inagoo ku xirnay nalalka ku shaqeeya adeegga 20 kilowatt photo-voltaic system, halka aan qalabka ku shaqeeya adeegga 17 kilowatt system aan u xirnay ceelasha biyaha laga siiyo dadka kusoo bara-kacay gudaha Mogadishu.

Figure 2  Farsamayaqaan shirkadda SolarGen ah oo dhisaya biraha lagu rakibo qalabka soolarka

Bilowgii mashruucaan, deeq-bixiyeeyaasha caalamka ayaa bilaabay mashaariicda nuucaan ah, balse wax ka yar laba sanno, sida marwalba dhacda Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku dhiiraday inay si iskood ah u maalgashadaan Korontada Awoodda Qoraxda.

Sannadkii 2014kii, waxaan ka hirgelinay duleedka Afgoye, oo ah magaalo beereed muhiim ah oo 30km u jirta Mogadishu qeyb-weyn oo waraabisa beeraha. Nidaamkaani weli wuu shaqeynayaa wuxuuna maalin walba soo saaraa marka laga hadlo hal-beegga biyaha lagu cabiro (2,800 cubic meters) oo biyo ah, taasoo lagu waraabsho beeraha liinta iyo mooska.

Bilowgii la shaqeynay ganacsade beereed markii hore beerihiisa lagu waraabin jiray biyo ceelka looga soo saaro matoorada naaftada ku shaqeeya, ka dibna ganacsatada ceelasha leh ayaan u sharraxnay sida uu mashruuceenna soolarku faa’iido ugu leeyahay: maxaa yeelay waa adeeg dhimaya qiimihii ballaarnaa ee ay kusoo iibsan jireen shidaalka. Ka dibna waxaan ka caawinay inay maalgashadaan tiknoolajiyadda soolarka. Hadda ganacsatadaasi waxay durba heleen faa’iido, si joogto ah ayey beerahoodu dalag usoo saaraan, halka uu hoos u dhacay qiimihii ay ku qarash gareyn jireen shidaalka.

Durbadiiba guulo hordhac ah ayey gaareen Warshadaha Soolarka Somalia, waxaana ku faraxsanahay inaan ka qeyb qaadanno inay Mogadishu maanta taagan tahay heer ay kala xulato awoodda koronto ee dhaqaale ahaan ku habboon. Dowladda Federaalka Somalia, Qaramada Midoobay, Deeq-bixiyeeyasha caalamka iyo shirkaddaan gaarka loo leeyahay ayaana Isbuucaan ka wadahadali doona qaabkii sarre loogu qaadi lahaa Qalabka Tamarta Qoraxda kaasoo ka qeyb qaadanaya soo-kabashada dhaqaale ee dalka iyo dhisidda-qaran.

Inkastoo uu socdo isku daygaani, hadana Somalia weli waxay ka mid tahay dalalka lacagta ugu badan ku bixiya korontada adduunka oo dhan. Inta badan Soomaalida ayaan heli karin Koronto, halka kuwa heysta ay bixiyaan 10 u jibbaar iyo 30 u jibbaar qiimaha shacabka dowladaha deriskooda ah Ethiopia iyo Kenya ay ku bixiyaan korontada. Weliba Somalia hoos uma dhigi karto qiimahaan faraha badan ee korontada lagu bixiyo illaa dalka la keeno qalabka ugu habboon ee laga dhalin karo tamarta raqiiska ah dad badanna lagu gaarsiin karo.

Shirkadda SolarGen, ka dib shan sanno oo kobac ah, haatan waxay ciyaari doontaa doorkeeda. Hadda waan kobacnay, waxaa inoo shaqeeya 40 shaqaale ah waxaana haatan faraha kula jirnaa mashaariic aan dadweynaha ugu talogalnay iyo kuwao gaar ah oo dalka gudihiisa ah.

Sannadkii 2017ka oo keliya, waxaan adeeggeena u xirnay in ka badan 30 ceel oo biyaha laga cabo. Anigoo uga mahadcelineyna naqshaqeeyeyaasheenna iyo shaqaalaha rakiba soolarka, shirkadda ugu weyn ee xoolaha Kismayo ayaa haatan ku tiirsan adeeggeena si ay xoolaha ugu helaan biyo joogto ah, dhowaanna duleedka Mogadishu waxaan ka dhisi doonaa haan biyaha qaboojisa oo ku shaqeysa qalabka tamarka cad-ceedda.

Yoolkeennu wuxu yahay inaan keenno qalab-soolar oo gacanta lagu qaadan karo si ay uga faa’iideystaan malaayiinta Soomaalida ah ee ku nool dhulka miyiga ah. Adeegyada nuucaan ah waxaan horay uga soo hirgelinay Kenya, waana kuwo awood u leh in leyr ahaan loo isticmaalo, wax laga dabeysto, sidoo kalena ceelasha biyaha loo adeegsado. Qalabkaani boqolkiiba 50 illaa 75 yareyn karaa qiimihii lacageed ee ay dadka reer miyiga ah ku bixin jireen adeegsiga matoorrada shidaalka ku shaqeeya.

Waxaan aaminsanahay in qorshahaan aan ku dhaqaaqeyno uu Somalia ka caawin doono soo-kabashada dhaqaale iyo midka qarannimada qarnigaan 21aad, sidoo kale qalabkaan gaarka ah ee aan ugu talogalnay dadka reer miyaga ah xitaa wuxuu ka caawin karaa dalka inuu ka samata-baxo musiibooyinka abaaraha soo noq-noqday sannadihii ugu dambeeyey.

Figure 3 Bulshadu uma baahna inay haatan lacag badan ku bixiyaan shidaal si ay biyo u helaan ama ay ka walwalaan xilliga matoorku uu cilladoobi doono