Muudeey: “Xildhibaan kasta oo fasax lahaa waan ka qaaday,waa in la soo laabtaa”.

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi wali Shiikh Ibraahim Muudey oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa u yeeray dhamaan Xildhibaanada ka tirsan Golaha ee ka maqan Dalka in ay si deg deg ah ku soo laabtaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu fasaxa ka qaaday Xildhibaan walba oo fasax ka heestay guddoonka, waxa uuna sheegay in meel dhaw iyo meel fogba Xildhibaankii jira in uu si deg deg ah ku soo laabto.

Arintaan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo sii xoogeysanaya abaabulka iyo kala jiidashada Xildhibaanada, wararka qaar ayaa sheegaya in dhinacyada aysan farqi badan u dhaxeyn tirada Xildhibaanada ay kala heestaan.

Guddoomiye Muudeey ma sheegin xilliga uu furmayo Baarlamaanka Golaha shacabka ee uu ugu horreeyo mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaannada ayuu ugu baaqay in si waafaqsan xeer hoosaadka Baarlamaanka iyo Dastuurka dalka ay u gutaan shaqada iyo waliba mooshinka,waxaa kale oo uu ugu baaqay in ay meesha ka saaraan nin jecleysiga islamarkaana ay fiiriyaan kaliya sharafta xildhibaanka uu leeyahay.

Mooshinka ka dhanka ah Goddoomiyaha Golaha shacabka ayuu waqtigiisu ku egyahay 24ka Bishan,waxaana uu soo billowday 14kii bishan,sidaas darteedna Xildhibaannada wada mooshinka ka dhanka ah Jawaari ayey tahay in ay mooshinkaas qaadaan ka hor taariikhda 24ka Bishan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com