Faahfaahin ku saabsan ciidamo ka wada tirsan dowladda oo ku dagaalamay Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa hadda ku dagaallamaya Xaafadaha Tarabuunka iyo Warshadda Caanaha ee Magaalada Muqdisho.

Rasaas xoog leh ayey Ciidamada isku weydaarsanayaan Ciidamada dagaallamaya iyada oo dadka degaanka ay sheegayaan in ay xabadka dhulka ku hayaan.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Ciidamada dagaallamaya ay kala yihiin Ciidamada ay tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Ciidamada kale ee Milatariga Soomaaliya.

Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada ka wadatirsan Dowladda,wixii ku soo kordha waxaad ka aqrisan doon taan wararkeenna dambe.

Xaafadaha Tarabuunka si caadiyaan ah waxaa u degan ciidamo Militari ah oo hub ku dhex haysta xaafadahaasi, lamana oga illaa hadda waxa sababay iska hor imaadkaan ciidamada ka wada tirsan dowladda ku dhexmaray Magaalada Muqdisho.

Ciidanka NISA ee Koontaroolka ku leh Isgoyska Tarabuunka ayaa ku jira feejignaan iyo difaac, laakiin dhankooda qayb kama ahan dagaalka halkaasi ka dhacay.

Degmada Hodan, ayaa inta badan waxaa ka dhaca iska hor imaadyada u dhaxeeya ciidamada ka wada tirsan dowladda Federalka Somaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com