Gudiga Aqalka Sare u qaabilsan xalinta Khilafka Jawaari & Xildhibaanada oo warbixin laga dhageysanaayo

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in maanta xubnaha Guddiga Aqalka Sare ee baarlamaanka Somalia ay warbixin ka dhageystaan Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare.

Guddigaan oo 19-kii bishan ay Xildhibaanada Aqalka Sare u xilsaareen xalinta khilaafka ka dhex taagan Baarlamaanka Golaha Shacabka, ayaa waxaa ka dhamaaday mudadii loo qabtay inay warbixin uga keenaan khilaafka.

Khilaafka Golaha Shacabka ayaa waxa uu ka dhashay kadib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) laga gudbiyay Mooshin, waxaana xigay in khilaafka uu gaaray heer uu Golaha Aqalka Sare faragalin kusoo sameeyo.

Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Golaha Aqalka Sare Axmed Macalin Cumar ayaa sheegay in maanta ay warbixin ka sugayaan guddigii ay u xilsaareen khilaafka ka dhextaagan xildhibaanada Golaha Shacabka.

Axmed Macalin Cumar, Wuxuu sheegay Guddiyadan inta ay howsha ku guda jireen in ay kulamo la yeesheen xubnaha labada dhinac, ayna soo uruuriyeen warbixino kala duwan.

Xildhibaanada ka tirsan Guddiga ayaa la filayaa in Golaha ay siiyaan warbixin dhameystiran oo ku saabsan Khilaafka ka dhex aloosan baarlamaanka Somalia.

Dhinaca kale, lama oga sida ay noqon doonto warbixinta Guddigaas iyo sidoo kale dhinacyada ay la soo kulmeen.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com