Daawo: Wasiir ka hadlay cabashooyin ka dhan ahaa Wasaaradiisa oo kala bar xal loo helay

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada, Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, ayaa si faahfaahsan uga hadlay cabashooyinka kaga imaanaya Gaadiidleyd iyo shacabka sameynaaya safarada.

Wasiir Oomaar oo wareysi gaar ah siinaayay Goobjoog ayaa sheegay inay jiraan cabashooyin badan oo ay ka helayaan shacabka ay Wasaarada u heyso addeega.

Waxa uu sheegay in cabashooyinka ugu badan ay kaga imaanayan Ganacsatada Gaadiidka, waxa uuna sheegay inay jiraan lacago badan oo uu qaado maamulka Gobolka Banaadir, taa oo keentay shaki badan.

Waxa uu sheegay in lacagahaasi uu qaado maamulka loogu tallo galay in loo isticmaalo sida dhismooyinka waddooyinka iyo howlo kale, hase ahaatee waxa uu carab dhabay in iminka la sameeyay xad lagu kala maareynaayo dhaqaalaha uu qaado maamulka Gobolka iyo kan Wasaarada.

Wasiir Oomaar, waxa uu sidoo kale tilmaamay in cabashooyin kuwaa lamid ah ay kaga imaadan shacabka sameynaaya duulimaadyada dibadda waxa uuna cadeeyay inay jiraan cabashooyin badan oo qeybo kamid ah la xaliyay.

Cabashooyinka qaar ayuu sheegay inay ku saleysnaayen dhibaatooyinka lagu hayo dadka da’da ah iyo carruurta dhowrka saac dhex fadhiya Garoonka kuwaa oo la balamiyo wakhti aanu munaasib aheyn, waxa uuna cadeeyay inay qafiifiyeen culeyskaas.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA WASIIR OOMAAR