Xog: CCC Sharmaarke oo Muqdisho kawada shirar lid ku ah Xildhibaanada Mooshin wadayaasha

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Xil. Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke uu shirar ka bilaabay magaalada Muqdisho.

Wararku waxa ay sheegayaan in Xildhibaan Cumar C/rashiid oo ka tirsan Aqalka Sare uu Hoteel Jazeera kulamo joogta ah kula qaadanaayo Xildhibaanada Garabka u ah Guddoomiyaha baarlamaanka ee aadka uga soo horjeeda Mooshinka.

Xil. Cumar C/rashiid oo xiligaan si aad ah uga soo horjeeda Xukuumada Somalia ayaa Xildhibaanada garabka u ah Jawaari kala hadlaaya Mooshinka iyo sida ugu sahlan ee lagu kala dhantaali lahaa.

Xildhibaan CCC Sharmaarke oo gudaha asbuucaan kasoo laabtay safar uu ku jiray dalka Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale, Xildhibaanada ka xog wareysanaaya tirada Mooshin wadayaasha, kuwa Mooshinka diidan iyo sida lagu hor istaagi lahaa Mooshinka isla markaana lagu badbaadin lahaa Guddoomiye Jawaari.

Xil. CCC Sharmaarke ayaa la xaqiijiyay in burburinta Mooshinka Jawaari uu ku bixinaayo dhaqaale xoogan oo uu kala imaaday dalka Imaaraadka Carabta, waxaana jira hadal heyn muujineysa in ujeedka imaanshiyihiisa Muqdisho uu yahay fashilinta Mooshinka.

Xildhibaanada qaar ee kasoo horjeeda Guddoomiye Jawaari ayaa waxa uu CCC Sharmaarke ku qancinayaa inay ka tanaasulaan Mooshinkooda isla markaana ay ku biiraan garabka Jawaari.

Sidoo kale, xogtu waxa ay intaa ku dareysaa in Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka kana soo horjeeda Gudoomiye Jawaari ay CCC Sharmaarke u deyriyeen kadib markii uu ka dalbaday inay kasoo horjeestan Mooshinka.

Imaanshiyaha CCC Sharmaarke ayaa la rumeysan yahay inay sii ololineyso xiisada ka dhex aloosan baarlamaanka Somalia iyo Xukuumada oo la sheegay inay gadaal ka riixeyso Mooshinka.

Ma cadda sida ay Xukuumada Somalia uga hortagi doonto Xil. CCC Sharmaarke oo dhaqaale u adeegsanaayo burburinta Mooshinka laga wado Jawaari.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com