DHERI: Xukuumaddu ma ogola in dhaliilaheeda la sheego waana sababta ay…

Hargeysa (Caasimada Online) ― Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Dheri oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, ayaa ka hadlay cabudhinta ay xukuumada Muuse Biixi kula kacdo warbaahinta ka howl-gasha deegaanada Somaliland.

Siyaasi Dheri ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda Biixi ay tahay mid bilaa dulqaad ah oo isku dayeysa inay sharci daro ku cabudhiso warbaahinta baahisa dhaliilaheeda.

Dheri ayaa sidoo kale waxa uu sii adkeyay mowqifka xisbiga Waddani ka taaganyahay Guddiga doorashooyinka Somaliland, kaasi oo ugu baaqayna inay is casilaan.

“Xukuumaddu ma ogola in dhaliilaheeda iyo khaladaadkeeda la sheego ee dulqaad la’aan ayey Saxaafadda ku cabudhinaysa, kuna xir-xiraysa, Xukuumaddani meel bay kaga dhacday xoriyadii Saxaafadda iyo xoriyatul qawalkii, halkii loo baahna inay Xukuumaddu saxdo dhaliilaheeda ayey xadhiga Saxaafadda maciin biday, taasina waxba ku hagaagi mayaan” ayuu yiri Siyaasi Dheri oo la hadlayey warbaahinta.

Wuxuuna intaas ku daray “Komishanka waxaan leeyahay Doorasho dambe la idnku aamini maayo, cidina idinma rabto ee is casila, inta aanu wakhtigu idinka dhicin, muddo xileedkiini wax yar ba idin hadhaye”.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com