“Somaliland ka qabsoomi mayso doorasho aan heshiis lagu wada aheyn”

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa maanta ka hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland oo maraya meel xasaasiya.

Xildhibaan Nac-nac ayaa cadaalad darro ku tilmaamay heshiiska ay gaareen xisbiyada Kulmiye iyo Ucid ee qabsoomida Doorashooyinka, isagoona fariin adag u direy Guddiga doorashooyinka Somaliland.

Xildhibaan Nac-nac oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, ayaa ka dhawaajiyey inaysan Somaliland ka qabsoomeyn doorasho aan heshiisa lagu wada aheyn, wuxuuna yiri

“Cadaalad daro ayey isku bahaysteen Xisbiyada Kulmiye iyo Ucid oo aan ku tilmaami karo in aanay diyaar u ahayn Doorasho cadaalad ahi inay dhacdo, markaas iyada oo aan laga heshiin waxaa la isku hayo ee ay ka mid yihiin Komishanka iyo arimaha Doorashada Diiwaangelin laba qaban karo”.

“Markaas laba Xisbi Doorasho ma gali karaan, dalka ka dhici mayso Doorasho af duub ah, oo dano gaar ah laga leeyahay, Xisbiga Waddani diyaar uma ah ee wuxuu Xisbigu diyaar u yahay inuu galo Doorasho cad oo cadaalad ku saleeysan, laba Xisbina ma qabsan karaan Doorasho, oo Sharciga dalka ayaan ogolayn oo aan raali ka ahayn”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Komishanka Doorashooyinka waxaa u roon inay qajilaan oo ay is casilaan, si aanu wakhtigu dib ugu soo dhicin, oo loo helo Komishan lagu wada kalsoon yahay, haddii uu Madaxweynuhu kala diri waayeyna, waa inay iyagu si toos ah isku casilaan, oo aanay meesha sii joogin”.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com