Dhibaatooyin A/Madoobe uu ku hayo baarlamanka oo shaaca laga qaaday

Kismaayo (Caasimada Online) – Mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay dhibatooyin uu sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu ku hayo xildhibaanada iyo guddoonka baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Nuur Buulle oo kamid ah xildhibaanada baarlamanka Jubbaland ayaa sheegay in madaxweyne Axmed Madoobe ku hayo handadaad iyo cago jugleyn joogto ah, waxii ka dambeeyay markii ay baarlamaanka ka celiyeen guddi xuduudeed la doonayay in loo sameeyo Jubbaland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sababta guddigaasi ay u diideen inuu yahay in dastuurka uusan Jubbaland u ogolaaneyn inay sameeyaan guddi ka shaqeynaya arrimaha xuduudaha, maadaama ay tahay shaqada dowladda.

Isaga iyo xildhibaano kale ayuu sheegay inay soo jeediyeen in arinta guddiga xuduudaha loo daayo dowladda Soomaaliya, maadaama Jubbaland dastuurka uu u ogolaanayo sameynta guddiyada Doorashada iyo maamulka gudaha.

Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaano damacsanaa in Magaalada Muqdisho ay usoo aadaan Tababar uu bixinayo Xafiiska Mashaariicda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayuu tilmaamay in Madaxweynaha Jubbaland uu kahor istaagay, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn sheegay inay u baahan yihiin badbaadin lagu sameeyo siyaasadda iyo xoriyadda hadalka ee Jubbaland, maadaama uu sheegay inay dhibaato ka heysato arimahaasi.

Ma jiro Jawaab maamulka Jubbaland ay ka bixiyeen hadalka kasoo yeeray xildhibaanka kamid ah baarlamanka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com