Xiisaha kulanka maanta ee baarlamanka Somalia iyo arrimaha looga hadlayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, kadib markii lagu wargeliyay kulanka maanta.

Kulamada baarlmaanka ayaa hakad ku jiray muddo kooban, waxii ka dambeeyay buuqii ka dhashay eedeyntii wasaaradda maaliyadda iyo maamulka gobolka Banaadir Loo jeediyay, taasi oo ugu dambeyn sababtay in guddiga la kala diro.

Kulan shalay ay yeesheen guddiyadda joogtada ee baarlamaanka iyo guddoomiyaha golaha shacabka ayaa lagu go’aamiyay waxyaabaha looga hadlayo shirka maanta xildhibaanada ku yeelanayaan magaalada Muqdisho.

Kulanka maanta ayaa waxaa looga hadli doonaa akhrinta seddexaad ee  hindise sharciyeedka Leelitirka, kaasi oo labi aqrin maray, kadibna xildhibaanada ayaa ansixin doona sharcigaasi.

Arinta kala derista guddigii maaliyadda ee baarlamaanka ayaa sidoo kale la filayaa in looga hadlo, walow aysan ku jirin waxyaabaha loo gudbiyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in kala deristii guddiga maaliyadda uu dhawaan si deg deg u horkeeni doono baarlamaanka, balse ma uusan shaacin waqtiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com