War cusub oo kasoo baxay guddoomiye Mursal (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan u dhaxeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan iyo guddiyada joogtada ee baarlamaanka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo dhacay gelinkii dambe ee maanta ayaa looga hadlay caqabadihii keenay baaqashada kulamadii ay yeelan lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka, oo hakad ku jiray maalmihii ugu dambeeyay.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay qorshayaasha shaqo ee horyaala baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo ay jiraan dhowr shaqo oo u baahan in baarlamaanka ka doodaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa arintii kala derista guddiga maaliyadda ee baarlamanka sheegay inuu si deg deg ah u horkeeni doono golaha shacabka, isaga oo tilmaamay in la marsiin doono hanaanka saxda ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa go’aamiyay waqtiga uu bilaabanayo kulanka, waxaana uu sheegay in maalinta beri ah kulamada baarlamaanka ay dib u bilaaban doonaan, iyadoo xildhibaanada lagu wargeliyay.

Xiisad ayaa ka dhalatay warbixin ay soo gudbiyeen guddiga maaliyadda baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uu horseeday khilaaf ugu dambeyn sababay in guddigaasi la kala diro.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@Live.com