Dhismaha Jubbaland State oo soo dhowaaday + 5 Guddi oo la dhisay + Tirada ergooyinka oo la shaaciyay.

Shan guddi oo diyaarin doona furitaanka shiweynaha dhismaha maamul goboleedka Jubbaland State, ayaa la aas aasay, ayada oo dhismaha maamulka uu soo dhowaanayo.

Mas’uuliyiin ku howlan dhismaha maamulka, ayaa u sheegay Caasimada Online in shanta guddi ee la sameeyay ay kala yihiin:- Guddiga Amniga, Guddiga Doorashada, Guddiga Xulitaanka, Guddiga Farsama iyo Maaliyadda iyo Guddiga ka Warqabka.

Guddi kasta waxa uu ka kooban yahay 11 xubnood, waana dadka hormuudka u noqon doona aas aaska maamul goboleedka Jubbaland State.

Sida Caasimada Online ay ka heshay ilo ka tirsan guddiga cusub, waxaa shirweynaha oo ka dhici doona Kismaayo, lagu casuumi doonaa 485 ergo oo ka kala imanaya gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Ergada ka qeyb galeysa shirka ee 485-ka ah, ayaa saddexda gobol waxa ay uga kala iman doonaan sidan:- Jubbada Hoose 185, Gedo 165 iyo Jubbada Dhexe 135.

Markaa kadib ayaa ergadu waxa ay ka doodi doontaa xeerka Jubbaland State, kaasi oo ah sharciga aas aasi doona maamul goboleedka Jubbaland State.

Waxaa la aas aasi doonaa baarlamanka Jubbaland, kaasi oo kadib dooran doona madaxweynaha maamulka. Sida ay ku warrameen ilo jooga magaalada Kismaayo, hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe), ayaa ah qofka ugu cad cad inuu noqdo madaxweynaha.

Marka la sameeyo Jubbaland State, waxa uu ku biiri doonaan maamul goboleedyada horey u jiray sida Puntland iyo Galmudug, kadibna waxa ay qeyb ka noqon doonaan Jamhuuriyadda Federaalka Somalia.