Kiiskii Dahabshiil iyo Waagacusub oo go’aan laga gaaray + Documents.

Maxkamadda magaalada Breda ee dalka Holland, ayaa go’aan ka gaartay kiis dhowanaahan u socday maamulayaasha Shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Dahabshiil iyo Waagacusub Dahir Abdulle Alasow.

Kiiskan, ayaa billowday 19-kii bishan, kadib markii Dahabshiil ay dacwad ku furtay Waagacusub Media iyo Sunatimes.com, ayada oo ku eedeeysay in lagu faafiyay warar iyo warbixino dhaawacay Shirkadda Dahabshiil, islamarkaana hoos u dhigay macaamiisheedii.

Haddaba 29-kii bishan, ayay maxkamadda go’aan ka gaartay kiiska Cabdirashiid Dahabshiil iyo Waagacusub, ayada oo laashay dhammaan dacwadii Dahabshiil kusoo oogtay Dahir Alasow, sida ku cad document kasoo baxay maxkamadda oo lasoo gaarsiiyay Caasimada Online.

Ka sokow laalista kiiska, ayaa sidoo kale Maxkamadda Magaalada Breda waxa ay markii labaad lacag fara badan ku ganaaxday Shirkadda Dahabshiil, sababo la xiriira waqtigii ay ka lumisay qareenada Dahir Alasow iyo xeerbeegtida.

Dahabshiil waxay Maxkamadda ku xukuntay inay bixiso lacagta xeerbeegtida iyo tan Lawyer-ka halkii ay ka sugeeysay in Maxkamada xukunto Dahir Alasow.

Cadadda rasmiga ah ee lacagta lagu ganaaxay Dahabshiil oo aad ka arki kartaan documents aan hoos ku lifaaqnay, ayaa ah 117,650 (Boqol toban iyo toddoba kun lix boqol iyo konton, Euro).

“Dahir Alasow wuxuu ku andacoonayaa in qoraaladiisa yihiin kuwa sax ah, sidaas darteed waxay Maxkamadda laashay dhamaan dacwadii Dahabshiil ku oogtahay Wariyaha madaxbanaan ee Mr Alasow” ayaa lagu yiri go’aan kasoo baxay maxkamadda.

Go’aanka Maxkamada soo saartay ayaa ka dhigan guuldaradii labaad ee Shirkadda Dahabshiil ka qabsata dacwadaha ay ku oogtay Dahir Alasow.

Kiiskii hore ee Dahabshiil ku guul darreysatay ee ka dhanka ahaa Dahir Alasow oo dhacay labadii august ee 201, waxaa kaga khasaartay lacag ka badan afar Milyan oo Euro halka dacwadaan cusub lacagta uga baxday ay kor u dhaaftay hal Milyan oo Pound, marka la eego qareenada qaaliga ah oo ay qabsatay.

“Maamulka Dahabshiil, waxaa la gudboon inay xaqiiqsadaan in Madax banaanida Saxaafaddu tahay lama taabtaan” ayuu yiri Dahir Alasow.

Dhinaca kale ururka uu matalayay Dahir Alasow ee Associated Somali Journalsts waxay Hambalyo iyo Mahadcelin u direen Qareenadda u doodayay madaxbanaanida Saxaafadda kuwaas oo kala ah, Margriet Koedoder iyo Frouke Hekker.

Associated Somali Journalists ASOJ, waxay sidoo kale hambalyo gaar ah u direen dhammaan Wariyeyaasha Soomaaliyeed gaar ahaan Wariyeyaashii ka qeyb qaatay kiiska Maxkamadda sida Halbeegnews.net ,Qurbejoog.com, Galmudugnews.com, Khaatuma.com iyo Boocame.com.

“Guusha laga gaaray Dahabshiil maaha mid Dahir Alasow uu gaaray ee waa guul u soo hoyatay dhamaan Saxaafadda Madaxabanaan ee dunida, waxaana muhiima in Xorriyada loo dagaalamo si dhiig miiratada arxanka daran loo tuso in lacagtooda uu sharciga ka sareeyo” ayaa lagu yiri bayaanka ASOJ.

Inta badan Somalida ku nool Magaalada Breda ee Gobolka Brabant ayaa Mashxarad iyo dabaaldeg isugu soo baxay markii ay Warbaahinta ka arkeen in Maxkamada Ganaaxday Shirkadda Dahabshiil halka Kiiskii hore ee 8 Febaury2010 ay Jaaliyada ka aamuseen.

Dabaaldega Somalida Breda sameeysay ayaa sawir ka bixinaya shacbiyada sii kordheysa ee Dahir Alasow taas oo laga dareemay maalintii Maxkamada furantay oo taageerayaashiisa buux dhaafiyeen hoolka dacwada ka socotay.

Waxaa laga yaabaa in Maamulka Dahabshiil wax badan kala socon sumcad xumida ay kala kulmi karaan labada guuldaro ee Maxkamad ku taal Yurub ku laashay dacwadooda. Halkan Click sii oo arag warqadaha go’aankii Maxamadda

W/Q: Axmed Cali Sheikh
Tifaftiraha Caasimada Online
Minneapolis, Minnesota
www.facebook.com/alaxmed