Dhismaha maamulka gobollada dhexe oo taageero ka helay dal European ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Ingiriiska ayaa soo dhaweysay qorshaha maamulka looga sameynayo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, sida uu shaaciyay wakiilka dowlada Ingiriiska u jooga dalka Soomaaliya oo socdaal ku tagay magaalada Kismaayo.

Neil Wigan, safiirka dowlada Ingiriiska ee dalka Soomaaliya oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan deegaanada gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ay muhiim tahay inay fursadaasi ka faa’ideystaan.

Neil Wigan, wuxuu sheegay in dowlada Ingiriiska ay ku faraxsan tahay in dowlada Soomaaliya gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya ay ka hirgiliso nidaamka Federaalka ee Soomaaliya, taasi oo uu ku tilmaamay inay nabadda Soomaaliya ka qeyb qaadan karto.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa Talaadadii lasoo dhaafay gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo uu kula kulmay masuuliyiinta maamulka Jubba.

Gobolada Dhexe ee hadda ka qorsheynayo in maamulka loo sameeyo waxaa ka bilowday dagaal u dhaxeeyo Ahlu sunna iyo dowlada Soomaaliya.

Waxaana shacabka kasoo jeeda gobolada dhexe ay ka baqayaan in dagaalkaasi uu caqabad ku noqdo maamulka la doonayo in loo sameeyo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com