Saraakiisha ciidanka DF iyo Ahlu-Sunna oo hanjabaado isu jeediyay, xiisad jirta

Galgaduud (Caasimada Online) – War goor dhow kasoo baxay Saraakiisha Maamulka Ahlusuna Wal-jameeca, ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Mamaulka aysan joojin doonin Dagaalada ay kula jiraan Ciidamada Militeriga ah ee DF Somalia.

Saraakiisha ayaa sidoo kale, sheegay in xili hore ay dalbadeen in la joojiyo dagaalka balse taasi laga dhaga adeegay sidaa darteedna ay sii wadi doonaan dagaalka kala dhexeeya Ciidamada Dowlada.

Saraakiisha ayaa sababta aysan u joojineynin dagaalka ku sheegay kadib markii Duullaan adag lagu qaday Deegaano Xasiloonaa, kuwaa oo ay Ciidanka Dowladdu inta tageen ay dadkoodii Barakiciyeen.

Sidoo kale, waxa ay Saraakiisha intaa hadalkooda kusii dareen in xiligaani iyo wixii ka dambeeya ay u dagaalami doonaan xoreynta deegaano farakutiris ah oo ay ku sugan yihiin Ciidamada DF Somalia.

Waxa ay sheegen inay u Dagaallami doonaan dib u Hanashada Amaanka Magaalada Dhuusa-mareeb oo ay Ciidanka Dowladdu hadda Joogaan.

Dhanka kale, Sargaal ka tirsan Ciidamada DF oo lagu magacaabo Maxamed Axmed ayaa waxa uu tilmaamay in Ciidamada Ahlusunna gaar ahaan garabka dagaalka ka wada Galgaduud ay xiligaani soo buux dhaafiyeen Magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana ay diyaar u yihiin inay dib usoo abaabulaan dagaal ay la galaan Ciidamada DF Somalia.

Hadalada kala duwan ee kasoo kala baxaayo Saraakiisha Ciidamada Dowlada iyo Ahlusuna ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo Deegaano badan oo hoostaga Dhuusamareeb ay ka socdaan Barakacyo iyo Colaado dagaal, kadib dagaalo culus oo muddo Laba Maalin kabadan halkaasi ku dhexmaray Ciidamada Militeriga DF iyo Ahlusuna, kaasi oo ka dhashay weerar lagu qaaday Wafdi ka socday Dowlada oo halkaasi ku sugnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com