Xasan oo la kulmay tiro wasiiro iyo ku-xigeenadooda oo isaga taageersanaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madxaweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu kulamo kala gooni gooni ah la qaatay Sii haayayaasha xilalka Wasiirnimo iyo ku-xigeenadooda.

Kulamada oo ahaa kuwa ka dhacaayay Aqalka dalka looga arimiyo, ayaa waxa ay kawada hadlaayen qaabka ugu haboon ee lagu yagleeli lahaa Xukuumada Cusub iyo kaalimaha dhankooda kaga aadan.

Madaxweynaha ayaa waxa uu Mas’uuliyiintaasi ka codsaday inay muujiyaan wadashaqeyn dhexmarta iyaga iyo Xukuumada Cusub waxa uuna hordhigay inay u furan tahay dhiibashada Fakirkooda ka hor inta aan lagu dhawaaqin Ra’isul wasaaraha Cusub.

Waxa uu ku wargaliyay in wax waliba ay ku socdaan qadar, islamarkaana qofkii nasiib u yeesha uu mar kale kasoo dhexmuuqan doono Xukuumada Cusub balse iyaga looga baahan yahay inay muujiyaan furfurnaasho.

Dhnaka kale, waxaa arrimahaasi oo idil si diiran usoo dhaweeyay Sii haayayaasha xilalka Wasiirnimo iyo ku-xigeenadooda, waxa ayna Madaxweynaha u balanqaaden inay la shaqeyn doonaan Xukuumada cusub taasina ay tahay qeyb kamid ah Mas’uuliyada saaran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com