Gabdho Soomaali ah oo ku biiray ISIS

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida lagu baahiyay wargeys kasoo baxa dalka Australia labo gabadhood oo Soomaali ah ayaa ku biiray ururka Daacish ee ka dagaalama dalalka Syria iyo Iraq.

Wargeyska ayaa sheegay in gabdhahaasi ay ka tageen magaalada Sydney ee dalka Australia ayna ku biireen kooxda Daacish, si ay kaga barbar dagaalamaan kooxdaasi.

Da’da labada gabdhood ayaa lagu kala sheegay 18 ilaa 25 sano jir, waxayna qeyb ka noqonayaan gabdho Soomaaliyeed oo ku biiray kooxda Daacish ee ka dagaalama dalka Syria.

Wariye ku sugan magaalada Sydney ayaa sheegay in dadkaasi ay ka mid noqdeen dhalinyaro Soomaaliyeed ee ka tagay dalkaasi, kuwaasi oo ku biiray kooxda Islaamiga ee ISIS.

Wargeyska ayaa sheegay in labada gabdhood ay u duuleen dalka Ciraaq waxaana kooxda ay ku bireen ka dagaalantaa labada dowladood ee Syria iyo Ciraaq.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com