Video: Prof. Cali Khaliif Galayr: Waxaan ugu hunguroodo ma yaalaan Hargeysa

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Khaatumo State, Prof. Cali Khaliif Galayr, ayaa munaasabad ballaaran loogu sameeyey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Prof. Galayr ayaa halkaas ka jeediyey khudbad taabaneysa dhinacyo badan, waxaana uu ka hadlay wararka la xiriirinaya inuu wada-hadal la galayo maamulka Somaliland.

“Waxaan ugu hunguroodo ma yaalaan Hargeysa, Gunimo cid kale kula tartami maayo” ayuu yiri Prof. Galayr.

Halkan ka daawo Video-ga.