Soomaali maanta lagu celinayo XAMAR

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo celiyo labo wiil oo Soomaali ah kuwaasi oo tahriib ahaan ku tagay dalka Holland loona diiday inay heleen aqoonsiga dalkaasi.

Tirada Soomaalida la doonayo in laga soo celiyo dalkaasi ayaa waxay gaarayaan 16 ruux oo Soomaali ah, waxaana maanta lasoo celinayaa labo kamid ah dadkaasi, sida ay sheegtay wasaarada cadaalada dalkaasi Holland.

Wasaarada cadaalada dowlada Holland ayaa sheegtay in dadkaasi lagu soo celinayo hishiis ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Holland, kaasi oo dhigaya in dadka aan sharciga dalkaasi heysan dib dalkooda loogu soo celinayo.

Qaar kamid ah dadka Soomaalida ee ku nool dalkaasi waxaa soo foodsaartay baqdin la xiriirta in dalkooda lagu soo celiyo, iyagoo ku dacwoonaya in wali uusan wanaagsaneyn amniga dalka Soomaaliya.

Afhayeenka qaxootiga aan sharciga heysan ee Holland oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dad badan oo gaaraya 400 oo ruux oo Soomaali ah ay soo foodsaartay walaacaasi, iyadoo dadka qaarkii ay bilaabeen inay usii cararaan dalalka kale ee ku yaala qaarada Yurub.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay inaysan raali ka aheyn in dalka dib loogu soo celiyo isagoo u sababeeyay dhanka amaanka, wuxuuna ka dalbaday hayadaha xuquuqda aadanaha inay wax u qabtaan dadkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
Caasimada@live.com