Wafdi ka socda maamulka KMG Jubba oo tiro koob ciidan ugu amba-baxaya…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goor dhow naga soo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Saakay wafdi ka socda Maamulka KMG Jubba ay u socdaali doonaan Magaalada Jigjiga Cariga Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Wafdiga oo bixi doono saacadaha soo socda, ayaa waxaa Hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil ”Fartaag” waxaana safarkaasi ku wehlin doono Xubno ka kala tirsan Labada Gole ee Maamulka.

Wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka ayaa lagu wadaa in si weyn loogu soo dhaweeyo magaalada Jigjiga oo ay u aadayan Arrimo la xiriira tiro koob ay kusoo sameynayaan Ciidamo dhawaan loo soo daabuli doono Magaalada Kismaayo oo halkaasi lagu diyaarinaayo.

Safarkaani ayaa waxa uu barbar socdaa Safar maalmo ka hor ay Mas’uuliyiintaani ku gaaren Magaalada Adis ababa ee Xarunta dalka Ethiopia, halkaasi oo ay Dowlada Ethiopia kula soo galeen Heshiisyo hal dhinac ah oo aan ka warqabin DF Somalia kuna saleysnaa Dekada iyo Garoonka Kismaayo.

Dhnaka kale, Wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka ayaa waxaa kamid noqon doono gudoomiyaha gobolka Jubbada dhexe Cabdirashiid Jire Qalinle iyo xubno kale waxa uuna Safarkooda qaadan doonaa muddo Afar maalin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com