Dhismooyinka ciidamada cirka Somalia oo ay xoog ku haystaan shisheeye

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya Generaal Maxamuud Sheekh Cali (Dable-Beyloot), ayaa shaaciyay in wali gacanta ciidamada cirka ay ka maqan yihiin dhismooyinkii iyo xarumihii ay daganaan jireen ciidamada Cirka ee dalka.

Taliye Dable-Beyloot ayaa isaga oo warbaahinta la hadlayay wuxuu sheegay in shirkado gaar ah ay gacanta ku hayaan dhulkii iyo xarumihii  ay lahaayeen ciidamada cirka ee dowladda Soomaaliya.

Shirkadaha gacanta ku haya dhulka iyo xarumaha ciidanka Cirka ayuu tilmaamay inay leeyihiin shaqsiyaad Soomaali ah iyo Dad ajaaniib ah, isaga oo sheegay in looga baahan yahay inay soo wareejiyaan.

Shirkadaha ay leeyihiin Soomaalida iyo Ajaaniibta ayuu qaarkood sheegay, waxaana uu dowladda ugu baaqay inay arimahaasi wax ka qabato.

Taliyaha ciidamada cirka ayaa tilmaamay in haddii shirkadahaasi dowladda ay la og tahay loo baahan inay cadeyso “Dowladda haddii ay la ogtahay waxba ma dhibeyso, oo KMG waa lagu heysan karaa, laakiin haddii aan lala ogeyn waa dhibaato”ayuu yiri Taliyaha.

“Wey badan yihiin shirkadaha, hal iyo labo maaha, Soomaali iyo ajaaniib ayay ka kooban yihiin”ayuu hadalkiisa ku daray taliyaha ciidamada cirka dowladda Soomaaliya Generaal Dable-Beyloot.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com