Xikmadda ka danbeysa in CC Shakuur uu ka jawaabo hadal kasta oo kasoo baxa madaxweyne FARMAJAO

Badanaa ma hadal badna madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, hase ahaatee, waxa uu mar mar tuurtaa hadallo NAANEYS noqda saameyn weynna yeeshaa,

Waxaa aad loo xusuustaa hadalkiisii ahaa “siyaasiyiinta xanaaqsan!” iyo “waali ayey ku dhawyihiin!”

Hadaba, inta badan waxaa ka soo falceliyey oo baraha bulshada siiba Facebook soo tiigsada siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ahaa musharixiintii xilka madaxweynenimada 2017.

Aqri sida uu uga soo falceliyey hadalkii ugu dambeeyey ee uu nairobi ka sheegay Farmaajo. Wuxuu Cabdiraxmaan yiri:-

Saaxibkey ayaa i waydiiyey ra’yigayga ku aadan khudbad uu xalay jeediyey Madaxweyne Farmaajo. Waxaan ku iri Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay waalida Soomaaliduna waxay tiraahdaa

“Waalida ninkii soo maraa laga waraystaa”. Waxay kaloo tiraahdaa “Xilku wuxuu u baahan yahay Xikmad”.

Abwaan Dhoodaan oo arrinkaas ka hadlayana wuxuu yiri

“Barashada xaggeediyo cilmiga, kii aan ku xisaabno

Shahaadooyinna u xaadiree, dhowr xilliba qaatay

Xafiis kaligii uu maamushey, xiiso ka hayaane

Xikmada asaageen watee, xoogga lagu yeesho

Rag Allow maxaa naga xayira, waa xujiyo yaabe?

Hadaba waxaa is weydiin mudan, waa maxay xikmadda ku jirta in CC Shakuur durba ka soo falceliyo hadallada kulkul ee Farmaajo?

Dowladda ay hoggaamiyaan Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre waxa ay leedahay mucaarad tiro ahaan badan, xooggan oo dal iyo dibadba ku nool, taas waxa ay muujineysaa in hadaladda sarbeebta ah ama weerar siyaasadeedka ah ee labadooda ka soo baxa in aysan si gaar ah shaqsi ama koox kuwaas ka mid ah ku socon.

Maxaa keenay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur si kulul oo waliba aflagaado qaawan wadata uga soo jawaabo?

Halkan waxaa ka muuqata in siyaasiga doonayo in uu bulshada ka iibiyo in farriimaha Farmaajo kaligii ku socdaan oo aysan jirin siyaasiyiin kale ama mucaarad kale oo uu ula danleeyahay.

Caadiyan, Madaxweyne Farmaajo waxaa uga dhib badan ugana miisaan culus CC Shakuur xildhibaano badan, Daljir, Dhaamujadiid, Cumar Cabdirashiid oo la fahansan yahay in uu gadaal ka hago Cabdiraxmaan Cabdishakuur balse siyaasiga waxa uu doonayaa in uu ISKA SARREEYSIIYO intaas oo dhan oo uu MUCAARADNIMADA kaligii qaato! Maxay Faa’ido u leedahahay CC Shakuur?

Haddii ay u suurtagasho in uu bulshada ka iibiyo in Madaxweyne Farmaajo isaga ku dhaga hadlo oo uu farriimaha siyaasadeed ku rido! Waxaa halkaas uga soo baxaya MUDNAANTA mucaaradnimo in la siiyo isaga oo uu noqdo HALBEEGGA kuwa naqdiya dowladda!!

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid