Muxuu u faafayaa fikirka Al-Saadicuun? Waxaa qoray Cabdiraxman Cabdishakur

Al- saacdicuun waa koox diineed ka soo diga-rogatay Jamacaada Al- Dacwah Walhijra, ama Jaamacada Muslimiinta (sida ay isku yaqaanaan) ama Jaamacada Altakfiir Walhijra (sida loo yaqaan) laakiin magaca beddelatay ee la baxday الصادعون بالحق”, oo Af-keenna marka lagu fasiro noqoneysa “kuwa aan xaqa la gabban”

Sanad ka hor ayaan maqaal ka qoray kooxdaas, http://aawarsame.so/Blog/194-2/, laakiin waxaan maanta ka hadlayaa ma aha iyaga iyo waxa ay u taaganyihiin ee waxaan doonayaa in aan ka hadlo muxuu fikirkoodu ugu faafayaa si xawli ah?

Aniga oo isha ku haya dhaqdhaqaaqa kooxdan iyo sida xirfadaysan ee ay uga faa’iidaystaan warbaahinta baraha bulshada, ayaa subax aan sii dheerayn waxaa i soo wacay nin dhallinyaro ah oo ka walwalsan sida ay dhallinyardii ugu hoobteen qaadashada fikirka kooxdan.

Waxaan u kuurgalay sababta uu fikirka kooxdaan sida aadka ah ugu faafayo. Waxaa ii soo baxday in uusanba jirin fikir kale oo kooda dhinac yaal.

Fikir la’aan

Dunida Islaamka, Carabta iyo Afrikaba waxaa ka socda doodo aan kala go’in oo fikir iyo aydoolijiyad la isku hayo dhinaca fikirka diiniga ah ee ay hor boodayaan kooxaha Islaamiyiinta kala duwan, Ikhaawanul Muslimiin, duruqu Suufiya, Salifiyada iyo Caqlaaniyiinta. Dhinaca kale iyana waxaa jira Qowmiyiin, Calmaaniyiin, Liibaraaliyiin midigta xiga, Sooshaalista bidixda xiga, doodaha la xariira boor ka jafista fikirka Islaamiga ah iyo sida ay iskula jaanqaadi karaan dawladda casriha ah, gaar ahaan nidaamka dimoqoraadiga.

Soomaaliya kama jiro suuqa fikirka iyo mid afkaareed toona. Ma jirto cid xiisanaysa fikirka oo aasaas u ah nolasha bani’aadamka, xil, xoolo iyo xoog aysan fikir iyo aragti hagaynin waa tacab qasaaro oo burbur horseedi kara

Fikirku waa kan gundhiga u ah nolosha bulsho, dhaqan, siyaasad iyo dhaqaale, suugaan, masraxiyad, sheekooyinka, doodaha iyo qoraalladu waxay ka midyihiin hidde tebinta bulshada. Waa muraayadda ay jiilalka iyo faca mustaqbalka ka dheehan karaan fikirka, dareenka, dooqa, himillada iyo hamiga awooweyaashood.

Fikirka oo ah curiyaha aragtida, nolosha isbedelkeedana horseeda wuxuu ka noqday dalkeenna saylad macaamiil la’aan ah. Kooxihii Islaamiyiinta ee kala duwanaa sidii ay u galeen ganacsiga, samafalka iyo siyaasadda waxa ay mudnaanta siiyaan ilaalinta danaha ay ku hawlan yihiin. Waa jiraan culimo ganacsato u badan oo dadka xoogaa wacdi ah ku tuurtuura, oo aan raadeyn badan lahayn.

Iyadoo aysan awalba Soomaaliya ka jirin loolanka dhinaca fikirka iyo aragtida siyaasadda ayaa haatan waxaa la oran karaa siyaasadda Soomaalida waxa ay ku sifowday waxa uu aqoonyahankii Faransiiska ahaa Jean Bayart ugu yeeray siyaasadda caloosha (Politics of The Belly).

Kolkii kooxda keli ah ee fikir iyo aragti suuqa la taagan ay Al-saaciduun noqoto, waxaan marna la yaab lahayn in jiilka dhallinyarada ee u ooman fikirka iyo aragtida ay dhinacooda u jabaan. Dalkeena oo ay dhallinyaradu 70% ka badan yihiin, waxay ka daaleen colaadda, cabsida, qabiilka, nacaybka, waxaa kaloo aad u niyad jebinaya dhaqanka siyaasadeed ee calool u shaqaysiga ah.

Dhaqaale-yahankii Ingiriiska u dhashay
John Maynard Keynes oo ahaa hindisaagii aragtida (Macroeconomics) ayaa laga reebay In uu yiri “fikir ayaa taariikhda beddela, laakiin dhibku kama jiro curinta fikir hor leh, ee waa ka guurka kan lagu dhegganyahay”.

Horumarka bani’aadamka waxaa aasaas u ah feker wax curiya, suugaan xaaladda ka warranta iyo aragti garaadka dhista, sida uu jirka ugu baahanyahay raashin tamar siiya ayuu garaadka iyo caqliguba ugu baahanyihiin fikir iyo aragti kobcisa, sida ay ruuxdu ugu baahan tahay cibaado kor u qaadda.

Haddii aan fikirka iyo aragtida la tixgelin waxaa meesha ka baxaya, kobaca caqliga iyo garaadka iyo awoodda in uu samay karo qiimayn dheellitiran, dhaliil cilmiyeysan, dulqaadka lagu aqbalo aragti kala duwan.

Waxaa mar kasta sii murjinaya dhibaatada dalkeena ka taagan waa in caadifad iyo xamaasad lagu wajaho arrimo iyo hawlo fikir qodan, aragti qoto dheer iyo ka fiirsasho badan u bahaan.

Ma sahlana in aan dhibka ka baxno ilaa iyo inta aan caqliga ka adkeysiino caadifadda, khuraafaadka aan cilmi ka horgeyno, lana helo siyaasad fikir, aragti iyo faham ka duulaysa oo aan ka baxno siyaasada xagey ka bishisahay maanta??

Mahadi ha adiin sugnaato, Jimco suubban

W/Q: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame