Hargeysa (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo Maanta dib ugu soo laabtay Magalada Hargeysa ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay Go’ankii Dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dowladda Gini xilli uu safar ku joogay dalkaas.
Waxa uu sheegay in markii ay tageen,isaga iyo wafdigiisa dalka Gini si weyn loosoo dhaweeyay,isla markaana warka kasoo yeeray Dowladda Soomaaliya uu yahay mid la iska yiri.
“Runtii warka kasoo yeeray dowladda Soomaaliya waa mid leyska yiri,dowladda Xamar ee AMISOMta ilaaliso,waxaana leeyahay annaga ma nihin Maamul Goboleed,wadamo badan ayaan tageynaa kuwo kalena horay ayaan u tagnay”ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Soomaaliland aysan marnaba u dulqaadan doonin qorsha ay wado dowladda Soomaaliya,isla markaana tallaaba kasto ay qaadeyso.
Dowlada Federalka ayaa ku dhowaaqday in xiriirkii ay u jartay dowlada Guinea kadib markii uu booqasho uu ku tegey Madaxweynaha Somaliland loona soo dhoweeyay sidii Madaxweyne dal madaxbanaan mas’uul ka ah.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]